Maxaa dhaliyay Mudaahaaraadyada Shacab Ee Kenya?

Dowladda Kenya,ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah qoddobo ku jiray hindise-sharciyeed cusub oo dhanka Maaliyadda ah, kaas oo jaha-wareer ka dhaliyay gudaha Dalka.

Waxyaabaha Dadku ka horyimaadeen waxaa ka mid ah Canshuur kordhin gaaraysa 16% oo la dul saaray burka ama daqiiqda. Booliska ayaa dad ka dibedbaxayay arrintaan u adeegsaday gaaska indhaha ilmada ka keena, iyadoo tobannaan qofna ay xabsiga dhigeen.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Kenya William Ruto Sanadkii 2022-ka, waxa uu sameeyay tallaabooyin dhowr ah oo canshuur kordhin ah, waxaana uu u sababeeyay in dalka deyn fara badan lagu leeyahay,isla markaana uu doonayo in Kenya ay isku filnaato.

Hase-yeeshee dadka,ayaa ka sheeganaya Canshuurta tirada badan, culeys iyo sare u kac ku yimid waxyaabaha quutul-daruuriga ah,iyagoo doonaya in hadda guud ahaan hindisahaan dhanka maaliyadda ah meesha laga saaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading