Maxaa fududeeyay Guulaha Israa’iil ka gaartay dagaalka Shiicada?

Israa’iil,waxay ka dhisan tahay Sirdoonka oo ay kaga horayso Wadamada Bariga Dhexe oo idil,waxayna ku hawlgalaan Tiknoolajiyad casriya oo sare.

Israa’iil,waxay dhex gashay nidaamka Isgaarsiinta IRAN iyo kan Guud ee Shiicada ay taageerto ee Bariga Dhexe.

Si gaar ah,waxayna ku guulaysatay in Taleefoono gaaraya 20-kun ay geliso Suuqyada Taleefoonada Lubnaan,kuwaasoo Dadka qaatay ay ku jireen taageerayaasha iyo Xubnaha muhiimka ah ee Xusbullaah.

Dadka ay ku dishay ama dhaawac halis ah ay ku gaarsiisay Taleefoonada ay ku xiratay Aaladaha,waxaa ku jira Safiirkii IRAN oo fariin Telkiisa loogu soo diray ku Indho beelay.

Sidoo kale,waxay Israa’iil ka dhex samaysatay Dad basaasiin ah oo xogaha si la hubo ugu soo gudbiya,waana mida keentay Gantaalka ay tuurto khasaaraha uu dhaliyo in ay ku xaqiijiso daqiiqado.

Hawlgalka Israa’iil ee Bariga Dhexe ee haatan socda,waaa guulaystay,waxayna umuuqataa in amnigeedu 80% khatartii ku wajahnayd la burburiyay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading