Wax ka badan labo bilood ayaa ka soo wareegatay markii kiiskii ugu horreeyay ee fayraska corona laga helay Mareykanka. Tan iyo wixii intaa ka dambeeyay, fayraska ayaa ku faafay gudaha dalkaas, iyadoo kiisaska guud ay kor u dhaafeen 200,000, halka tirada dhimashaduna ay gaartay 5,000.
Mareykanka ayaa hadda ah xuddunta fayraska ee dunida, iyadoo tirada kiisaska dalkaasi ay ka sare martay tan Shiinaha, oo ah halka uu ka markii hore ka dillaacay, iyo Talyaaniga oo ah dalka ugu daran wadamada Yurub ee uu fayrasku aadka u saameeyay.
Inkastoo saraakiisha caafimaadka ay qabaan in xaaladdu ay ka sii dari doonto toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxaa jira tallaabooyin uu Mareykanku sidii laga rabay u qaaday iyo sidoo kale dhayalsi dhanka wax ka qabashada fayraska ah.
KHALADAADKA
Gabaabsi dhanka dawada ah
Marada wejiga lagu xirto, kuwa gacmaha la gashto, dharka adag iyo qalabka hawa-nuuga ee loo xiro dadka uu naqaska ku dhego oo dhan waa gabaabsi.
Dhaqaatiirta iyo isbitaallada dalkaas, gaar ahaan meelaha ugu daran ee uu saameeyay fayraska, waxaa ku adag helitaanka waxyaabaha aasaasiga ah ee ay ku caawin lahaayeen bukaannada, iyo sidoo kale sidii ay isku ilaalin lahaayeen saraakiisha caafimaadka.
Gabaabsiga dhanka waxyaabahaas muhiimka ah ayaa ku qasbay shaqaalaha caafimaadka inay dib u isticmaalaan qalabka nadaafadda amaba ay iyagu sameystaan kuwo u gaar ah. Gabaabsiga dhanka qalabka hawada nadiifiya ayay sidoo kale shaqaalaha caafimaadku walaac ka muujiyeen.
Talaadadii, Maayarka magaalada New York, Andrew Cuomo, ayaa cabasho ka muujiyay in maamullada gobollada iyo dowladda federaalkuba ay ku tartamayaan qalabka, taas oo horseedday in qaali uu ku noqdo dadka u baahan.
Ma aha in xaalku uu sidan noqdo, ayuu yiri Jeffrey Levi, oo siyaasadda caafimaadka iyo maamulka ka dhiga Jaamacadda George Washington. Dowladda Mareykanka ayaa ku guul darreysatay inay joogteyso keenidda qalabka muhiimka u ah la dagaallanka fayraska – kaddibna aad ayay uga gaabisay wax ka qabashadiisa marka ay xaaladdu ka sii dartay.
Baaritaanka oo daahay
Sida uu qabo Levi, in baaritaanka la dardar geliyo goor hore – sida ay sameeyeen dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Koofureed iyo Singapore – waxay muhiim u tahay la dagaallanka fayrasyada sida Covid-19. In Mareykanku uu taas awoodi waayay ayaa horseedday sida uu ugu guul darreystay wax ka qabashadiisa, taas oo sababtay in fayrasku uu sii faafo.
“Dhammaan wax ka qabashada xanuunnada safmarka ah waxay ku xiran tahay la socoshada xaaladda – inaad ogaato sida ay wax u socdaan iyo halka ay ka dhacayaan,” ayuu yiri.
Inaan laga warqabin xaaladda, waxay sababeysaa in saraakiisha caafimaadka ay noqdaan kuwo indhaha ka xiran, oo aan ogaan karin sida ay xaaladda uga sii dari karto.
In baaritaan buuxa la sameeyo micnaheedu waa in bukaannada qaba fayraska la ogaado lana karantiilo, iyo in la xaddido xayiraadda saameysay dhaqaalaha Mareykanka isla markaana malaayiin qof ka dhigtay shaqo la’aan.
Kuuriyada Koonfureed waa dalka hanaanka ugu wanaagsan u maray baaritaanka
Levi ayaa sheegay in mas`uuliyadda guul darrada uu leeyahay maamulka Trump, kaas oo diiday qorshooyinka wax ka qabashada xanuunka safmarka ah ee uu wax ka badan toban sano kahor dejiyay maamulkii George W Bush.
“Hoggaanka siyaasadeed ee maamulkan runtii ma rumeysan dowladnimada,” ayuu yiri Levi. “Taas waxay ka hor istaagtay inay la yimaadaan waxyaabaha ay ahayd in dowladda federaalku ay wax uga qabato xaaladdan oo kale.”
Arrintan waxay gaar ahaan saameysay baaritaanka. Baaritaankii bishii February uu maamulka Trump u diray tiro yar oo sheybaarro ah ayaa ahaa kuwo aan sax ahayn.
Bartamihii March, ayuu ballan qaaday in ilaa dhammaadka bisha la sameyn doono ugu yaraan 5 milyan oo baaritaan ah. Qiimeyn madax bannaan oo la sameeyay 30-kii March ayaase lagu ogaaday in keliya hal milyan oo baaritaan la sameeyay. Taasi waxay la mid tahay tirada dalalka kaleba ay sameeyeen, balse celcelis ahaan bulshada Mareykanka waxay gaarayaan 329 milyan oo qof.
Waxaa intaas dheer, in sheybaarrada sameynaya baaritaanka uu soo food saaray culeys weyn, taas oo sababtay in natiijada ay qaadato toddobaad iyo wax ka badan.
Hadallo iska hor imaanaya
Shir jaraa’id oo uu galabtii Talaadada qabtay, Donald Trump wuxuu sawir gurracan ka bixiyay xaaladda.
“Waxaan ka doonayaa qof walba oo Mareykan ah inuu u diyaar garoobo maalmaha adag ee soo socda,” ayuu yiri.
La taliyeyaashiisa dhanka caafimaadka bulshada ayaa dabagalay hadalkaas iyo xog muujineysa in ugu yaraan 100,000 oo qof oo dalkaas u dhashay ay u dhinteen fayraska, iyadoo ay socoto dadaalka wax looga qabanayo xaaladda.
Hadalka madaxweynaha ayaa ka hor imaanaya kii uu sheegay toddobaad kahor, oo uu rajo ka muujiyay in Mareykanku uu si degdeg ah dib ugu furi doono ganacsiyada, marka la gaaro bartamaha April.
Bilihii January iyo February, markaas oo uu fayrasku saameyn ba’an ku yeeshay wax soo saarka Shiinaha, sidoo kalena uu aad u saameeyay Talyaaniga, madaxweynuhu wuxuu dhayalsaday khatarta fayraska corona ee Mareykanka. Kaddib markii kiisas yar laga helay Mareykanka, Trump iyo saraakiil kale oo maamulkiisa ka tirsan ayaa sheegay in xaaladda la xakameeyay, isla markaana fayraska laga guuleysan doono.
“Farriimo iska hor imaanaya oo ka soo baxaya maamulka sare waa dhibaato weyn”, ayuu yiri Levi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareeyay madaxda gobollada ee xisbiga Dimuqraaddiga, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku eedeeyay duqa New York, Andrew Cuomo iyo duqa Michigan, Gretchen Whitmer. Wuxuu sheegay in madaxda gobollada ay tahay inay u mahad celiyaan dowladda federaalka.
Guul darrada dhanka kala fogaanshaha bulshada.
Arday ku jirta fasax ayaa buux dhaafiyay xeebaha Florida. Dadka New York ayaa iyaguna howlahooda iska watay.
Gudaha dalkaas, waxaa jiray tusaalooyin badan oo muujinaya sida ay dadka dalkaasi ugu guul darreysteen inay ku dhaqmaan kala fogaanshaha bulshada, mararka qaar saraakiisha dowladda ayaa ku guul darreysaneysay inay amraan in la xiro ganacsiyada, dadkuna ay guryaha ku nagaadaan.
“Haddii uu igu dhacayo corona, wuu igu dhacayaa,” mid ka mid ah dadkii ku sugnaa xeebta Florida ayaa sidaas yiri.
Xitaa tallaabooyinka loo qaaday si taxadar leh ayaa sababi kara dhibaato. In la xaddido gawaarida dadweynaha ayaa keeni karta in tareennada iyo basasku ay sii buux dhaafaan. Ardayda jaamacadaha ee loo diray guryahooda waxay sababi kartaa faafitaanka fayraska, iyadoo dadka qaba fayraska ay ku laabanayaan magaalooyinka.
Hubanti la’aanta amarka madaxweynaha ee lagu joojiyay in dadka Yurub ka imaanaya ay soo galaan Mareykanka – taas oo markii hore u muuqatay inay saameyneyso muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ahba – ayaa horseedday in garoomadu ay buuxsamaan oo rakaab aan la baarin laga yaabo inay xanuunka u gudbiyaan dadka kale.
Go’aannada noocaas oo kale ah waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo, waxay carqaladeyn karaan dadaallada wax looga qabanayo faafitaanka fayraska – waxay ka dhigan tahay in batrool lagu shubo dab holcaya.
Toddobaadkii la soo dhaafay Congress-ka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci lacag oo gaareysa $2 tiriliyan oo dollar oo wax looga qabanayo coronavirus. Waxaa ku jirta in lacago caddaan ah la siinayo dad badan oo Ameerikaan ah, in wax looga qabto shaqo la’aanta, lagu caawiyo gobollada, adeegga daryeelka caafimaadka iyo adeegga bulshada, in lagu caawiyo shirkadaha ay saameynta ba’an gaartay, iyo deymo yar oo la siinayo ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
Wuxuu ahaa sharci aad muhiim u ah, kaas oo ku yimid wada xaajood ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga iyo kuwa Jamhuuriga ee Congress-ka, iyo sidoo kale Xoghayaha Maaliyadda Steve Mnuchin iyo ku xigeennadiisa.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Trump iyo Afhayeenka Dimuqraaddiga ee Aqalka Nancy Pelosi ayaa sidoo kale ka wada hadlay sharci kale oo caawinaad ah, kaas oo laga yaabo in wax looga qabto maalgelinta dhismaha iyo adeegyada daryeelka caafimaadka, iyagoo sheegay in iskaashigan uu yahay mid bilow ah.
Awoodda baaritaanka
Shirkadaha dawooyinka iyo baarayaasha caafimaadka ayaa aad isugu dayaya inay wax badan ka ogaadaan fayraska si ay talooyin uga dhiibtaan hababka loola dagaallamayo xanuunkan safmarka ah.
Mid ka mid ah shirkadahaas ayaa soo saartay qaab si degdeg ah loogu ogaan karo bukaannada xanuunka, taas oo wax ka qaban karta culeyska dhanka baaritaanka ee haatan jira, kana caawin karta saraakiisha caafimaadka inay ogaadaan meelaha ugu daran ee uu fayrasku ka jiro lana yimaadaan go’aanno karantiil ah.
Lahaanshaha sawirkaAFP
“Rajada fog ee laga qabo tallaalka iyo horumarka daweynta waa wax dhiirrigelin ah,” ayuu yiri Levi.
Wuxuu intaa ku daran in shirkadaha baaraya dawada ay ballanqaadyo ka heleen dowladda oo u ballan qaadday in suuq loo heli doono wax soo saarkooda, isla markaana magdhow lagu siin doono maalgashigooda. Dhibaatada ayaa ah sida uu sheegay in dadaallada la sameynayo maanta ay qaadan doonaan bilooyin ama ka badan in la arko natiijadooda.
Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Cudurrada Faafa ee dalkaas, ayaa saadaaliyay in ugu yaraan sannad ay qaadan doonto in la soo saaro tallaalka fayraska. Hadafka siyaasadda caafimaadka bulshada ee haatan ayaa ah in la dhimo heerka faafitaanka fayraska.
Hoggaanka dalka
Hannaanka federaalka ee dowladda Mareykanka, oo awood weyn siinaya gobollada, waxaa ka dhashay wanaag iyo dhibaato intaba. Marka ay fiican tahay waa in maamullada gobolladu ay awood u leeyihiin inay la yimaadaan xal wax looga qabanayo fayraska.
Balse Marka ay jirto xaaladda xanuunka safmarka ah, kuma filna intaas waxaana ka dhashay dhibaatooyin laga fogaan karay.
“Duq walba oo magaalo wuxuu gaarayaa go’aan u gaar ah,” ayuu yiri Levi. “Qaarkood ayaa go’aanno fiican la yimid; halka qaarna aysan la imaan.”
Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption
The US Navy hospital ship USNS Comfort passes the Statue of Liberty
Wuxuu tusaale u soo qaatay Maayarka California, Gavin Newsom iyo Jay Inslee oo ah duqa Washington, kuwaas oo goor hore qaaday tallaabooyin lagu xirayo iskuullada isla markaana ku amray dadka inay guryaha joogaan, taas oo hoos u dhigtay faafitaanka fayraska
Maayarka Ohio, Mike DeWine ayaa sidoo kale lagu ammaanay tallaabooyinka uu qaaday, inkastoo ay dadka qaar u arkeen kuwo aad u adag.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in inta badan gobollada Mareykanka uu fayrasku u saameyn doono sida Magaalada New York City.
Gobollada qaar ayaa aad isugu dayaya inuusan fayrasku u saameyn sida New York, balse Levi ayaa ka digaya in laga yaabo in dadaalladooda ay carqaladeeyaan gobollada kale oo aan sidooda oo kale sameyneyn.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.