Maxaa Itoobiya loogu diiday Dekedda Cassab?

2018, ka dib Sannado cadowtinimo ay dhex taallay Eritrea iyo Itoobiya,ayaa soo afjarmay, ka dib markii uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmay Sacuudiga,waxayna saxiixeen heshiis nabadeed.

Waddooyinka isku xira labada dal ayaa sidoo kale la furay, waxaana ka mid ah waddada isku xirta Cassab . Dhuunta shidaalka ee Asabir – Finfinnee ayaa la sheegay inay muhiin u tahay dhaqaalaha labada dal.

Xilligaas saraakiisha Eritrea waxay sheegeen in dekedda Cassab ay diyaar u tahay inay hawlaheeda sii waddo, ayadoo saraakiisha gaadiidka ee Itoobiyana ay sheegeen in xaaladda waddada Cassab ay tahay mid wanaagsan.

Taa waxaa ku xigay inuu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya, Eritrea-na ay taageertay Itoobiya oo markaa la dagaallamaysay xoogagga Tigray.

Labada dal waxay isku afgarteen inay ka wada shaqeeyaan dhowr mashruuc oo uu ku jiro in la yagleelo aagga wadajirka ah ee dhaqaalaha.

Itoobiya waxay sannad kasta siisaa 1.5 bilyan oo dollar oo kiro ah dalka Jabuuti, taasoo ah kirada dekedda, sida ay BBCda u sheegeen dad u dhuundaloola.

Haddaba su’aasha aisweydiinta mudan ayaa ah maxay Eritrea u diidday in Itoobiya ay u ogolaato isticmaalka dekedda Cassab.

Xukuumadaha labada dal si cad ugama aysan hadlin sababta heshiiska ay labada dal gaareen aan loo dhaqan gelin.

“Aad ayey ugu adag tahay in la ogaado sababta,waayo dhinacna kama uusan hadlin”Ayuu BBC u sheegay Qof ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Khubaradu waxay sheegayaan in Itoobiya ay ka faa’iidi kartay dekedda Cassab, in ka yar kirada ay siiso Jabuuti.

Xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea uma wanaagsana sidii uu ahaan jiray, ka dib markii heshiiska lagu gaaray Pretoria, khudbaddii uu Abiy Axmed kaga hadlay in ay bad helaanna kama farxinin Eritrea.

Wuxuu sheegay in aysan ahayn in Itoobiya ay lumiso marinkeeda badda cas ayadoo ah dal ay ku nool yihiin 120 malyan oo qof. Taa waxay keentay in Itoobiya ay heshiis is faham la saxiixato Somaliland, kaasoo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xigasho:-BBC.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading