Maxaa ka harsan Dhulkii Argagixisada Ee Toga-jeceel?

Waa Guul la taaban karo oo lagu faani karo.

15-ka KM ee harsan argagixisadu ma joogto oo way ka carareen sida xogaha Wardoon xaqiijinayaan.

15-kaas marka la gaaro ilaa Saadanbe hadii rabi idmo,waxaa soo xirmaya Wajiga Labaad ee hawlgalka.

Sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoon argagixisada,waxaa ka harsan qiyaastii 150-xubnood oo firxad ah oo uwada socda ugu badnaan 14-Qof.

Buuraha firxadkoodu gaari karo oo sifaynta Guud ubaahnaan doona,waxaa ka mid ah…..

1.Xabley.
2.Geesa-qabad.
3 Tasjiic.
4.Curaar.
5.Ina Cidoole.

Wax fudud mahan 300-km in laga sifeeyo argagixiso si weyn u abaabulan oo heshay Dhul ku wanaagsan dagaalka.

Xaqiiqdii Puntland,waxay muujisay awood Ciidan,mid Shacab,mid hogaamineed,mid Maamul iyo mid Dhaqaale.

Waxay kaloo muujisay in ay tahay qaangaar Dowladeed oo caalamka la dhaqmi karta oo lagu aamini Karo wax badan.

Muwaadinka reer Puntland,waa Laafyoon karaa Caawa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading