Maxaa ka jira digniinaha Amni Ee Maraykanku soo saaray?

Warka Caawa Maraykanku soo saaray,waa mid jira oo khatartiisa leh.

Xogaha muhiimka ah ee la helayo,waxay tilmaamayaan in ay AS weerar ku qaadi doonan Garoonka Aadan Cade.

5-ta Bisha oo Berri ku beegan ayay xoguhu sheegayaan in AS qorshaysteen fulinta weeraradaas.

Goobaha bartilmaameedka u ah,waxaa laga xusi karaa….

1.Garoonka Aadan-cade.
2 .Villa Somaliya.
3.Xarumaha Dowlada ee muhimka ah
4.Ciidamada DFS fadhiyadooda.

Sida xoguhu sheegayaan Xarumahaas,waxay AS ku weerari doonaan Hoobiyayaal,Qaraxyo iyo Gantaalo.

AS,waxay Shalanbood keensadeen Hoobiyayaal iyo Mootaro,kuwaasoo ilaa Caawa ay Dameero kusoo rari doonaan soona galin doonaan Dayniile iyo Suuqa Xoolaha,sida aan ka helay Saraakiil amaan.

Wakhtiga rasmiga ah ee Shabaab fulinayaan weeraradaas lama xaqiijin karo,waxaase la hubaa in 7-Beri gudahood ay ku fulin doonaan weeraradaas.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading