Maxaa ka jira in Beesha Caalamku ay u yeertay Wasiirka amniga Jubbaland ?

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan), ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho isagoona kulamo la leh Madaxda Beesha Caalamka oo ay ka wada-hadlayaan sidii loo sii xoojin lahaa amniga degaanada Jubbaland xilliga kala guurka.

Wasiir Janan ayaa la sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu ku qotomo sidii xubnaha beesha caalamka uu ugala hadli lahaa Xaalada degaanada Jubbaland iyo xaqiijin amniga degaanka.

Sarkaal katirsan Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa Shabakadda Idil News u xaqiijiyay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in Wasiir Janan ay u yeereen Safiirada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Africa, si ay wax uga weydiiyaan Cabasho dhinaca amniga ah oo ay u jeediyeen Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in amniga Doorashada Jubbaland ay gacanta ku heyso Wasaaradda amniga Jubbaland aysana jiri doonin carqalad loo geysan doono Musharixiinta Madaxweynaha, kuwaas oo dhowaan la kulmay Wasiir Janan.

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland Mr. Janan, ayaa la filayaa in maalinimada berrito ah uu kusoo laaban doono Magaalada Kismaayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading