Maxaa ka jira in Bosaso lagu qabtay Hub Daacish leedahay?

Hubka Bosaso lagu qabtay mahan sida loo dhigay ee waxaa iska leh Nin la yaqaan oo ka Ganacsada Hubka laguna Magacaabo Ina Huruuse Xaaji Maxamed.

Guriga laga helay,waxaa lahaa Siyaad Talye hore oo geeriyooday,waxa uuna u ahaa Kayd.

Ninka Yemeniga ah ee lagu qabtay,waa Nin ay wada Ganacsanayeen Ninka Hubka leh kumana imaan Wadanka qarsoodi oo waxa uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha,waxaana la siiyay Visa.

Si guud in Suuqa Hubka loo xiro oo loola diriro,ayaa sax ah,balse hadii Qof gaar ah la bartilmaameedsado,waxay dhalin kartaa xaalad abuur.

Warka ay shaaciyeen Qayb ka mid ah Ciidanka ee oranaya Hub Daacish leedahay,ayaan qabanay,waa Been abuur lagu xalaalaysanayo Hubkaas.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading