Maxaa ka taqaan marinka Caalamiga ah ee Raas-caseyr ee dhaca Puntland ?

Sawirkaan waa munaaradii maraakiibta laga hagi jiray ee 𝐑𝐚𝐚𝐬 𝐆𝐚𝐫𝐝𝐚𝐟𝐮𝐮 ama 𝐑𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐬𝐚𝐲𝐫 oo ah cirifka bari ee geeska afrika ahna gobolka Gardafuu ee Puntland.

Magaca Guardafui wuxuu ka kooban yahay labo eray ee talyaani ah oo kala ah “𝐠𝐮𝐚𝐫𝐝𝐚 & 𝐟𝐮𝐢” oo la micno ah 𝐀𝐑𝐀𝐆 𝐨𝐨 𝐂𝐀𝐑𝐀𝐑 maadaama marinkaas ay maraakiib badan ku dageen waliba xiliga ay dhacayaa 𝐝𝐚𝐛𝐚𝐲𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐒𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 la yiraahdo oo arragu yaraado xiligaas.

Raas casayr waa marin badeed istaratiiji oo dunida caan ka ah waana halka ay ku kala qaybsamaan labada badood ee kala ah 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐦𝐞𝐞𝐝 waxaana isticmaalaan maraakiinta ukala gooshaya qaaradaha sida Africa, Asia & Australia

Qorshaha dhismaha munaaradda Raas casayr wuxuu soo bilowday 𝟏𝟖𝟗𝟗 lkn waxaa si rasmi ah loo dhisay sanadkii 𝟏𝟗𝟐𝟒-tii waxaana waagaas loogu magac daray “𝐅𝐫𝐚𝐧𝐜𝐞𝐬𝐜𝐨 𝐂𝐫𝐢𝐬𝐩𝐢” oo ahaan jiray RW-hii Talyaaniga.

Xigasho:-Abdullahi B Bihi


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading