Maxaa ka taqaan Wakiilada Fahad Yaasiin ee Puntland ?

Xoghayaha joogtada ah ee Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cadirisaaq Caato waa dhalinyaradii Pakistan ka timid, waxuuna shaqo kusoo maray UNDP Puntland.

Caato ayaa hada wuxuu daacad u yahay Fahad Yaasiin, isagaana shaqadan gaystay, waxaana uu ahaa Ninka Imtixaanka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble markii shaqada usoo dalbaday oo uu wakiishay Fahad.

Dhanka Puntland, Caato waxuu ku xiray Fahad dhalinyaro Pakistan ay soo wada joogeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin 1. Xildhibaanka Burhaan, 2. Xeer ilaaliyaha Qaranka, 3. Xoosh oo ah Agaasimaha guud Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, iyagoona haatan ku howlan qorshaha loo soo abaabulay oo ahaa inay raadsadaan Xildhibaano.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading