Maxaa kala socotaa ciyaarta maanta dhexmaraysa xulalka Mudug Vs Karkaar ?

Tartanka 8-aad ee ciyaaraha xulalka Gobalada Puntland ayaa weli ka soconaya garoonka Mire ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana maanta jirta ciyaar xiiso badan, taas oo ay isku arki doonaan xulalka Gobalada Mudug iyo Karkaar.

Labadan xul oo ka wada tirsan Groupka (B) ee tartanka ciyaaraha Puntland, iyadoona xiisaha ciyaartan iyo loolanka taageerayaasha labada xul, si weyn looga dareemay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada.

Sidoo kale, Labada xul ee Astaamaha u yihiin ‘Mudug (Wan) iyo Karkaar (Koofiyadda Boqortooyadda), ayaa taageerayaashoodu kasoo kala safreen caasimadda iyo deegaanada labada Gobal, si ay u daawadaan ciyaartan.

Hadaba si toos ah Ciyaartan uga daawo Shabakadda Idilnews & IdilTv.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading