Maxaa kala socotaa khataraha amaan Ee Puntland ay wajahayso?

Todobaad ka hor Madaxweyne Gaas waxuu magacaabay agaasimaha guud ee hay’ada sirdoonka Puntland ee PISA.
 
Isbadalka lagu sameeyay hogaaminta sare ee hay’ada sirdoonka Puntland,isla markaana loo baabi’iyay dhawr qaybood oo ay ahaayeen loogana dhigay hal mid waxay ka danbaysay habacsanaan xoog leh oo lasoo daristay hawlgalka sirdoon ee Puntland.
 
Hadaba aan idin soo gudbiyo xaalka amaan ee Puntland todobaadkii ugu danbeeyay ee la ogol yahay in la shaaciyo bulshadana lala wadaago.
 
Burcad badeed”.
 
Waxay ka kooban yihiin dhaqdhaqaaqyada burcad Badeeda Puntland maanta ka jira sadex madax ah ,kuwaasoo kala ah..
 
1.Koox uu hogaamiyo Bashiir Maxamed Qalanjo oo udhashay beesha Dishishe xaruntoodna tahay Deegaanka Bacaad ee Bariga Bosaso.
 
2.Koox uu hogaamiyo Maxamed Aargoosato una dhashay beesha Cali Saleebaan xaruntooduna tahay Deegaanka Murcanyo ee udhow Degmada Qandala.
 
3.Koox uu hogaamiyo Cabdisalaan Maxamed xaruntooduna tahay Degmada caluula una dhashay beesha Sawaaqroon.
 
Kooxahan Burcad Badeeda ah ee ilaa iyo hada ka hawlgala gudaha Puntland waxay isku dayeen tiroa ka dhawr jeer weeraro ay ku qabsadaan maraakiib,balse uma suuroobin oo waa ku hungoobeen isku dayadoodaas.
 
 
Daacish”
 
Kooxdan waxay gaaraysaa 150 ilaa 180-Xubnood ,waxaa kusoo biira bil walba labo iyo sadex xubnood oo cusub.
 
Waxay hada isku dayayaan in ay ganacsatada ku khasbaan in ay ka qaadaan waxay ugu yeereen Sako.
 
Waxaa si xoog leh loogu tuhmayaa dilkii Maareeye xigeenkii shirkada Golis Cabdulahai Cali Cumar,waxay ku shaqaystaan qaraxyo iyo dilal qorshaysan.
 
Mahan koox qaadi karta dagaal ama leh fariisin ay difaacan karaan,waxay ku hawlgalaan si koox koox ah waxayna uwada socdaan 10 ilaa 15-xubnood.wayna guur-guuraan.
 
Kooxdu waxay fariismo guurguura ku leeyihiin meelo udhwo Degmada Qandala ee bariga Bosaso.
 
Waxaa hogaamiya Nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Muumin oo u dhshay beesha Cali Saleebaan
 
Waxaa ku xigeen u ah Cabdixakiin duqub oo u dhashay beesha Cali Saleebaan.
 
Ku xigeenka labaad waa Cabdiweli Aw Maxamed Yuusuf oo u dhashay beesha Cali Saleebaan.
 
Madaxa Maaliyada waxaa u ah Sayid Maalin Daahir oo u dhashay beesha Shiikhaal reer Awqudub.
 
Madaxa Sakooyinka iyo canshuur ururinta ah waxaa u ah Mahad Macalin Maxamed oo u dhashay beesha Cali Saleebaan.
 
Kooxda waxaa ujooga Nin Suuriyaan ah oo siiya tababarka iyo sida Miinooyinka loo dhigo wadooyinka.
 
 
 
Alshabaab
 
Kooxdan tiradoodu waa 400 ilaa 500 waana kooxda ugu khatarsan ee Puntland ku haysa amni xumada amni xumada.
 
Waxay taageero toos ah ka helaan maamulka Somaliland,si gaar ah waxaa gacanta ugu haya Maxamed Kaahin Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaas.waxayna ka helaan dhaqaale iyo saad joogta ah.
 
Maxamed Cabdulaahi oo udhashay beesha Isaaq Habarjeclo ayaa uqaabilsan xiriirka Somaliland iyo kooxda Alshabaab.
 
Kooxdan Maleeshiyaadkooda beesha ugu badan ee ay kasoo jeedaan waa Isaaq,gaar ahaan Habarjeclo.
 
Waxaa hogaamiya Nin lagu magacaabo Yaasiin Kilwe oo udhashay beesha Warsangeli Dubays.
 
Waxaa ku xiga Nin lagu magacaabo Cabdalla Bataal oo udhashay beesha Isaaq Habarjeclo.
 
Waxaa kusii xiga Nin lagu magacaabo Maxamed faruur Ibraahim oo udhashay beesha Isaaq Arab
 
Kooxdu waxay ku hawlgashaa dagaalka loo yaqaan ku dhufo ka dhaqaaq,Qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyaan magaalooyinka.
 
Farisimyada ay sida guurguuritaanka ah uga hawlgalaan kuan weeraraan Ciidamada Puntland ,ayaa kala ah,Bali Khadar,Sugure iyo Af-urur
 
Kooxda waxaa la jooga Nin Sudan u dhashay oo lagu magacaabo Cabdalla kana soo da’diisu tahay 40-jir dhiig furan,waxuuna uqaabilsan yahay tababarada iyo keenista Hubka ee dhanka Yemen.
 
Abaanduulayaasha Maleeshiyaadka kooxda hawlgaliya waxay kala yihiin Rabaani oo udhashay beesha Isaaq.Cali Macaane oo aysan noo suuroobin in aan qabiilkiisa helno iyo Haaruun oo udhashay beesha hawiye gaar ahaan Duduble.
 
Kooxda iyo sirdoonka Somaliland oo iskaashanaya waxay hada diyaarinayaan qorshe balaaran oo ay ku khalkhalgalinayaan doorashooyinka madaxtooyo ee Puntland.
 
Qorshayaashooda waxaa ka mid ah in ay fuliyaan dilala qorshaysan oo ka dhaca caasimada Garowe loona gaysto Xildhibaanada,musharaxiinta iyo Wasiirada Puntland.
 
Kooxda waxaa ku yar Xubnahooda iyo madaxdoodaba shaqsiyaadka kasoo jeeda beelaha Maxamuud Saleebaan.
 
 
Amaanka Puntland waxaa khatar ku ah oo kale marka laga soo tago sadexdan kooxood ee aan soo sheegnay sadex kale oo kala ah..
 
 
 
1.Ganacsato ka shaqeeya wax alaale iyo waxay dan ganacsi ka arkaan.
 
2.Gancasatada Hubka keenta.
 
3.Beelo isku ciilqaba oo si hoose dad iskaga dila kadibna beelo kale loo aaneeyo.
 
isku soo wada duuboo hadii agaasinka cusub ee sirdoonka Puntland u hawlgalo si buuxda oo ku fadhida xog-ogaalnimo,Wadaniyad iyo Karti loona dhamaystiro guud ahaan baahiyaha uu ubaahan yahay waxaan hubaa in mudo gaaban lagu soo afjari karo ama lagu xakaaym karo dhaqdhaqaaqa kooxahan amniga khatarta ku ah.
 
 
 
Jibril Qoobey.
 
 
 
 
 

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading