Maxaa kala socotaa Midowga Yurub iyo qaab dhismeedkiisa

Qaaradda Yurub. Dagaalkii labaad ee dunida kadib, reer yurub waxay go’aansadeen in ay ka heshiiyaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, dhaqaalahana isaga kaashan lahaayeen, halkii ay dagaal joogto ah isku burburin lahaayeen.

Sannadkii 1957-dii ayaa waxaa samaysmay isbahaysi dhaqaale oo la dhihi jirey Beel Dhaqaaleedka Yurub (European Economic Community) oo loo soo gaabiyo EEC.

Isbahaysigaasi waxa uu abuuray suuqwayne guud oo ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah. Waxa ka dhashay xeerar dhaqaale oo lagu dabbaqay Yurub oo dhan ku waas oo u ogolaaday dadku in ay si xor ah u ganacsadaan, si xor ahna ugu kala gudbaan dalalka xubnaha ka ah dhexdooda si la mid ah sida dalalkooda ay ugu dhex socdaali kareen ama ugu dhex ganacsan kareen. Aas-aaskii lix waddan ayaa uu ka koobnaa: Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka Galbeed, Holand, Beljam, iyo Laksambeeg. EEC waxa ay isu beddeshay Aagdhaqaaleedka Yurub.

(European Economic Area) oo loo soo gaabiyo EEA, waxa uuna ka koobnaa 15 dal. Sannadkii 1985-tii ayaa heshiis loo bixiyey Afgaradkii Shengen lagu go’aamiyey in la isu furo xuduudaha dalalkii xubnaha ka ahaa, si loo fududeeyo socodka dadka iyo ganacsigaba.
Sannadkii 1993-dii ayaa heshiis la magac baxay Heshiiskii Maastrikt lagu go’aamiyay in magicii ECC loo beddelo Beelweynta Reer Yurub (European Community). Halkan ayaa uu si rasmi ah ugu dhashay Midowga Yurub.

2002-dii ayaa 12 dal ku heshiiyeen in ay wadaagaan lacag isku mid ah oo la yidhaahdo Yuuro (Euro). 2009-kii ayaa Heshiiskii Lisban dib-u-habayn lagu sameeyey midowgii waxaana loo sameeyey madaxweyne (President of the European Council). Heshiiskaa Lisban wixii ka dambeeyey Beesha Yurub waxa ay noqotay Midowga Yurub.

Heshiiska Lisban waa heshiiskii ugu dambeeyay ee dhigaya sida loo maamulayo Midowga Yurub. Dal walba oo kamid ah dalalka xubnaha ah waxa ay ogolaadeen waxa ku dhigan heshiiska. Waxa uu qeexayaa hawlaha Midowga ka dhexeeya iyo kuwa dal walba u gaarka ah. Dalalka xubnaha ka ahi waxa ay awood u leeyihiin in ay go’aamiyaan sida ay tahay in Midowgu u dhaqmo iyaga oo cod u qaadaya soojeedimaha la soo hordhigo.

Ujeeddada loo dhisay Midowga Yurub waa in la isu soo dhaweeyo dalalka qaaradda yurub ku yaal, si ay isaga bahaystaan dhinacyada dhaqaaalaha, siyaasadda iyo nabadgalyada. Waxa ay dalkugallaadooda u sameeyaan qaab isku mid ah, waxa ay leeyihiin xeerar midaysan oo jaangoynaya sidii ay si caddaalad ah ugu kala ganacsan lahaayeen, waxa ay leeyihiin sharciyo midaysan oo dhinaca sharci fulinta ah iyo heshiisyo kale oo ay ka midaysanyihiin.

Ka sakow lacagta midaysan ee laga adeegsado (Yuuro: Euro) waxa ay dadkoodu si furan isugu socdaali karaan iyaga oo aan fiise ama dalkugal la weydiinin.

Tusaale ahaan, qof u dhashay dal kamid ah siddeed iyo labaatanka dal waxa uu u guuri karaa, kana shaqaysan karaa dal kamid ah Midowga isaga oo aan wax fasax ah ama cashuur dheeri ah la weydiinin si lamid ah muwaadiniinta kale ee dalkaas. Alaabada lagu sameeyay dalalkaas mid kamid ah, waxaa si furan loogu iibin karaa dal kasta oo kamid ah Midowga iyada oo aan cashuur dheeraad ah ama fasax gaar ah la weydiinin.

Bishii Juun ee 2016 ee aynu soo dhaafnay waxa ay dadka Ingriisku cod aftiyeed kaga baxeen (Brexit) Midowga Yurub. Laakiin wakhti ayaa ay qaadanaysaa in go’aankaas la fuliyo, ilaa sanado badan ee soo socotana xubin ayaa ay kasii ahaanayaan iyadoo muran badan jiro iyo Cilays ay lakulmayaan Hogaanka dalka Ingiriisku.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading