Maxaa kala socotaa sida Shabaab iskaga hor keenaan Qabaa’illada?

Ninkan,waa Xubin muhiim ah oo argagixisada ah,sida uu Afkiisaba ka qirtay,wuxuuna isku qarin jiray in uu yahay Oday Nabadoon ah oo Beesha Leelkase danaheeda utaagan.

Inta badan,waxuu abaabuli jiray kacdoon ka dhan ah Dowlada Puntland oo uu ku kicinayo Bulshada Beesha,isagoo hal hays ka dhiganaya (Majeerteen,ayaa idin haysta).

Xerada haatan Beesha Leelkase ku leedahay Gaalkacyo,isagaa abaabulay oo Qaaraankii lagu dhisayay ka ururshay Dadka,waxuuna uga dan lahaa in uu ku ururiyo Maleeshiyo kasoo horjeeda nidaamka.

Sidoo kale dhacdo Beesha iyo Beel kale ay isku dhaceen oo Dad ku dhintay,waa Ninka hor istaagay in Booliska PL Maydadkii qaadaan,isagoo ku qaylinayay (Ma Majeerteen,ayaa marna Beelo iskaga kiin dhigaya marna Dowlad).

Shaqadiisu waxay ahayd isku dirida Beelaha Gobolka,gaar ahaan ka fogaynta Beesha Leelkase Maamulka Puntland,waxuuna Xubin sare ka ahaa argagixisada.

Barnaamijyo wajiyo kala duwan leh ayay argagixisadu ka fulisaa Mudug.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading