Maxaa kasoo baxay kulankii caawa ee Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha taagan ee saameynta ku leh arrimaha Amniga, siyaasadda iyo geeddi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuhu arrintaas isku aragti ka noqdaan.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading