Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada Fadaraalka?

Sida xoguhu sheegayaan kulankii Caawa ee Golaha Wasiirada Fadaraalka,waxuu ka macquulsanaa kii uu kasoo qaybgalay MW Xasan ee hanjabaada iyo eedaynta ahaa.

RW,waa dajiyay Wasiirada,waxuuna usheegay marka hore in ay iyagu fahmaan,waxa ay gadayaan oo ay kuwada qancaan markaas kadib ay ula tagaan matalaadooda iyo Xildhibaanadooda.

RW,waxuu sheegay in Sharciyadan la meel marinayo aysan kaligood fulin karin oo loo baahan yahay in Ummada laga gado,iskabadaa in ay hada la aadaan Baarlamaanka.

Majirin amar ah Wasiir dhoofi karaa majiro iyo keena Xildhibaanadiina si loo ansixiyo Xeerarkan.

Waxaa muuqatay in RW dajiyay xaaladii uu abuuray MW.

Sidoo kale majiraan Madaxweynayaasha DG in lagala hadlay ansixinta Xeerarkan oo RW JL u aadayo arinkaas.

Hal arin oo laysku raacsan yahay,ayaa ah in RW Xamse uga sareeyo Ra’isalwasaarayaashii Wadanka soo maray Gudoominta Shirka Golaha iyo maarayntiisa inta uu socdo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading