Maxaa kasoo baxay kulankii Isimada iyo Madaxweyne Deni Ee Xalay?

Xalay,waxaa la kulmay MW Deni Isimada Garowe ku Shirsan,waxayna kala hadleen in uu joojiyo Doorashada,waase ku Gacansayray oo waxuu ugu jawaabay (Dalku Dowlad buu leeyahay ee ku ekaada Dhaqankiina).

Sidoo kale Labada Beeldaaje ee Beelaha CS iyo Siwaakhroon,waxay Xalay yimid Garowe,ayaa lagu sheegay in ay uyimaadeen ka qaybgalka Caleema saarka Isin Degmada Burtinle lagu Caano shubayo Maanta,sida ay xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow.

Waxaa Beenowday warar sheegayay in ay uyimaadeen ka qaybgalka Shirka Isimada ee Garowe.

Dhanka kale Caawa Bosaso Ciidamo isku dhaf ah,ayaa lagu daadiyay Wadooyinkeeda muhiimka ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading