Maxaa kasoo baxay kulankii Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase?

Shalay Isimadu,waxay isku gareen ilaa 01:00 iyaga oo kali ah mana is fahmin.

Islaan Ciise,wuxuu soo jeediyay in Shirka uu dib udhigo Suldaanku si khilaafka Beesha Ciise Maxaamud marka -aad loo xaliyo.

Suldaan Garaase,wuxuu ku adkaystay in Shirku Sabtida Garowe ka furmayo oo uusan baajin karin.

“Waxa kaliya ee ku fuuran in aad Shirka kaso qaybgasho iyo in Adigo Garowe jooga Shirku furmo”Ayuu ku yiri Islaanka.

Sida xogo hoose sheegayaan Islaan Ciise,wuxu aqbalay in uu Shirka imaan doono,isagoo Isimada kale lamid ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading