Maxaa kasoo baxay Kulankii Labaad Ee Isimada iyo Madaxweynaha Puntland?

Kulankii labaad ee Isimada iyo madaxweynaha Puntland

26 Feb 2022

Bosaso: Shir u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaso ayaa ka qabsoomey isla magaalada Boosaaso, kulanka ayaa ahaa kii labaad waxaana uu ka dhacay Madaxtooyada.

Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan.

Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada ay khuseyso.

Dhamaad


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading