Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ?+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Mr James Swan ayaa waxaa ay wada qaateen kulan Al-baabadu u xiran yihiin oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Puntland Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay, iyagoona sheegay inay ka wada-hadleen Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading