Maxaa kasoo baxay kulankii Puntland iyo Beesha Caalamka?

Kulankii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada PL ee Garowe,waxa uu ahaa mid is fahan kusoo idlaaday.

PL,waxay muujisay bisayl iyo diblomaasiyad qurxoon,iyadoo hadana soo gudbinaysa doodeeda ku aadan khilaafka jira.

Halmar,ayaa laga maqlay Wasiir ka mid ah Wasiirada lama shaqayn karno DFS ee sharciyada lumisay,taasna,waxaa ka daba tagey Wasiiradii kale.

Wasiirada PL ee kulanka qaybta ka ahaa si dhiiran ayay udoodeen una difaacdeen mowqifkooda Siyaasiga ah iyo Mashaariicda,iyadoo MW maqsuud ka noqday doodooda.

Dhanka BC iyo Safiirka Ingiriisku,wuxuu la laabtay farxad iyo isfahan uu aad maqsuud uga noqday dooda Dowlada Puntland.

Natiijadii kulanka?

1.In la dhagaystay dooda PL oo lagana sugayo Ajandaha.

2.In Mashaariicda loo fasaxay lagana sugayo soo dalbashada kuwan 2024.

Dhaliisha kulanka?

1.Madaxweynaha oo si gaar ah kulan ula qaatay Safiirka UK,taas oo aan ku fiicnayn hanaanka Dowladnimo.

2.Wasiir Juxaa oo hadal aan madasha looga baahnayn markan uu kasoo baxay.

Waxaa xusid mudan in Weftiga BC kula kulmay Xarunta QM MAP,PUNSA iyo PDRC,inkastoo mar lagu sigtay in Ajandaha laga saaro kulankooda kadib markii MW ku kalsoonaan waayay xogaha ay bixinayaan,waase la xaliyay.

Shaqo fiican baa la qabtay,waxaana muuqata in Wasiiradan ka macno weyn yihiin kuwii hore.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading