Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Gobalka Bari ?

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxa looga hadlay Todobaadkan xoojinta amniga guud ee Gobolka, la dagaalka kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish, u diyaar garowga dadka kusoo noqonaya Magaalada Bosaaso iyadoo uu dhammaaday xiligii xagaagga, Iyo isku xirka lamaaha amaanka Gobolka Bari.

Waxaa ka soo qeyb galay shirka wasiir ku-xigeenka wasaarada Dekadaha Dowladda Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Iyo ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Taliyeyaasha Dekadda, Iyo Jeelka weyn ee Magaalada Bosaaso.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading