Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Jubbaland ? (VIDEO)

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Jubbaland oo bishiiba mar qabsooma.

Shirkan waxaa goobioog ahaa madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyada oo ay shirka ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Jubbaland, saraakiisha ciidanka Jubbaland, la taliyeyaal dhanka amniga ah iyo saraakiil ka socotay hawlgalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

Shirka waxaa lagaga wada hadlay xaalada guud ee amni ee Jubbaland waxaana warbixinno laga dhagaystay taliyayaasha qaybaha ee ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ah ee AMISOM.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading