Maxaa kasoo baxay Shirka Guddiga Amniga Gobalka Bari ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha guddiga nabadgalyadda Gobolka Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka amniga Gobolka Bari ee Todobaadlaha ah.

Shirka ayaa Todobaadkan waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee Gobolka, waxa la joojiyey isku socodka gaadiidka ilaa inta ay socoto doorashada golaha deegaanka degmada Ufeyn, Iyo la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish.

Waxa ka soo qeyb galay shirka Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Iyo saraakhisha kala duwan ee laamaha amaanka Gobolka Bari.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading