Maxaa kasoo baxay Shirkii Wadamada Islaamka Ee Sacuudiga?

Saudi Arabia's Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan (C) chairs an extraordinary meeting of the Organisation of Islamic Cooperation's (OIC) executive committee regarding the situation in the besieged Gaza Strip in Jeddah on October 18, 2023, while accompanied by Palestinian Foreign Minister Riyad al-Maliki (R). (Photo by Amer HILABI / AFP)

57-Wadan oo Islaam ah,ayaa ku kulmay Sacuudiga..

Wadamadaas,kulankooda Ajandaha ugu sareeya,waxaa ka mid ahaa xaalada cakiran ee Qasa.

Maxay isku raaceen?

1.In la canbaareeyo Israa’iil.
2.In loo gurmado Shacabka Qasa.
3.In Golaha amaanka lagu canbaareeyo in ay ku fashilmeen soo saarida baaq Xabad joojin ah.

Iran oo dhankeeda soo jeedisay Laba Qodob,ayaan uhelin taageero…….

1.In la hubeeyo Falastiniyiinta.
2.In Cunaqabatayn Saliida ah lasoo rogo.

Dalal ay ugu horeeyaan Sacuudiga  Shirka martigeliyay,ayaa ka hor yimid soo jeedinta Iran,waxayna Wadamada Islaamku muujiyeen in aysan Rabin hubaynta Ururo Xamaas oo kale ah.

Reer Galbeedka saamayntooda caalamka,ayaa keentay in aan lagu dhiiran soo saarida go’aamo Israa’iil ka dhan ah.

Isku soo wada duuboo Kulankii Wadamada Islaamka kama soo bixin go’aan caadifadeed oo Israa’iil ka dhan ah,waxaana la oran karaa si miyir qab ah oo waaqici ku salaysan ayay wax ucabireen.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading