Maxaa keenay ka hadalka Qatar ee Qaraxa Macalimow

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxisada maanta la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.

Ka hadalka Qatar ee Qaraxa lala beegsaday Afhayeenka Xukuumada Fadaraalka,ayaa dhalisay iswsydiin oranaysa “Maxaa keenay ka hadalka Qatar ee Qaraxan??

Qaraxyada ka dhaca Somaliya waa tiro beel joogta ah oo meelo kala gedisan ka dhaca kamana aysan hadlin Qatar kii kan ka horeeyay ee maalmo ka hor ka dhacay isla Muqdisho.

Qatar waxaa in badan lagu eedeeyaa in ay taageero siiso kooxaha argagixisada ah lana leedahay xiriir hoose.

Si gaar ah Fahad Yaasiin oo ku xiran Qatar lana aaminsan yahay in uu ka mushahaar qaato sirdoonka Qatar,ayaa la leh xiriir hawlfulineed Alshabaab,sida ilo muhiim ah xaqiijiyeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading