Maxaa ku khasbay Xasan Shiikh dabaca uu muujiyay?

Ugu danbayn Cadaadiskii,waa taabtay Xasan Shiikh oo loo joojin mahayo,waa socon wayday.

Safaaradaha reer Galbeedku taladii ugu danbaysay ayay siiyeen oo ah in Siyaasada Dhulka dhigo.

Wasiirru Dowlihii Imaaraadka ee dhawaan yimid,waxaa ilo xog ogaal ah xaqijiyeen in uu ukeenay digniin uu ka waday Maraykanka oo ahayd…..

” Sida aad wax kuwado raali kama nihin ee wax ka badal”.

Talooyinka la siiyay Xasan,waxaa ugu horeeya in uu Xukuumada badalo,waxaana jira Shaqsiyaad loo tilmaamay.

JL,ayuu hor fariisan doonaa oo la heshiin doona,kadibna DG K&B iyo DFS,ayaa Wadajir ukulmi doona,waxaana jira qorshe dagaal oo Wadajir loo diyaarin doono..

Kabacdi,waxaa la abaabuli doona kulan weynaha PL iyo DFS oo Beesha Caalamku dhexdhexaadin doonto ayna ubadan tahay in uu ka dhaco Imaaraadka.

Ugu danbayn,waxaa laysla qaadan doonaa Xukuumad cusub,Road Map iyo Sanad mudo kordhin ah.

Qorshahan,waa kan ay wado BC hadaysan wax ka khaldamin.

Magacaabista Swan ee uu aqbalay,cadaadiska Xalane,digniinta Imaaraadku keenay,fashilka dagaalka AS iyo niyad jabka kasoo raacay Siyaasada Dibada Xasan,waxay ku khasabtay in uu Waaqiciga aqbalo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading