Maxaa laga akhrisan karay dooddii xalay Ee doorashada UK?

1. Ra’isul Wasaaraha oo weerar qaaday

Rishi Sunak wuxuu xafiiska joogey muddo sannad iyo bar, xisbigiisuna wuxuu talada ahayey14 sano. Haddana waxaad moodeysey in uu isagu yahay ninka mucaaradka ah, isagoo si isdabajoog ah u weerarayey siyaasadaha dhiggiisa xisbiga Shaqaalaha.

Siyaasadaha uu duray waxaa ka mid ahayd su’aal la xiriirtey sida Sir Keir uu u maareyn lahaa shaqo-joojinta ay dhakhaatiira caymiska da’da yar ee ka shaqeeya nidaamka NHS iyo dhimista soogalootiga sharci darrad ah.

Mararka qaarkood doodda ayaa ku laalaaneysey heer Ra’isul Wasaaruhu uu hadalka ka boobo Julie Etchingham doodad qaybineysey.

2. Starmer oo tusaale u soo qaatay Liz Truss si uu weerar celis u sameeyo

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa ka jawaabayey dhaliilaha uga yimid Sunak ayaa weeraray siyaasadaha xukuumadda Muxaaafidka ah oo uu siyaasadaheeda 14sano jirsadey ku tilmaamay wax “laga xishodo”. Wuxuunba tusaale u soo qaatay qof aan istudiyaha ku jirin oo ah Ra’isul Wasaarihii Sunak xliga uga horreeyey oo ah Liz Truss oo uu dhowr jeer ku soo halqabsaday .

3. Labada dhinac oo faraha isku taagtaagey

Labada hoggaamiye ayaa isweydaarsadey dhaliilo ku saabsan qof walba iyo wixii uu qaban jirey intii aysan siyaasadda soo galin. Taas oo ay uga gollahaayeen in ay daawadeyaasha xasuusiyaaan taariikhda taban ee mid walba noloshiisa ku lifaaqada.

4. Waxay ku kala aragti duwanaayeen daryeelka caafimaad

Labada dhinac ayaa kula tagey markii la weydiiyey su’aal la xiriirtey

In ay adeegsan lahaayeen daryeel caafimaad oo gaar ah, lacalla haddii qof ehelkooda ah uu saf dheer ugu jiro qalliin.

Mr Sunak ayaa yir haa, laakiin dhiggiisa Xisbiga Shaqaalaha uu ku jawaabay maya, isagoo intaasnku daray in isaga iyo qoyskiisu ay ku xiran yihiin.

5. Waxay ku kala qaybsameen qorshaha Rwanda

Ra’isul Wasaaraha,ayaa mar la weydiiyey haddii uu ka bixi lahaa Xeerka Reer Yurub ee Xaquuqda Aadanaha haddii uu caqabad ku noqonayo qorshaha dadka magangelyada waayey loogu rarayo Rwanda, wuxuu ku jaawaabay in amaniga dalku uu wax walba kala muhiimsan yahay. Halka Sir Keir uu hoosta ka xarriiqay difaaca xeerk


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading