Maxaa laga filan karaa Shirweynaha Puntland??

Maxaa laga filan karaa Shirweynaha Puntland”

Waa shir aad loo sugayo, waxaa la filayaa in uu noqdo shir ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah guud ahaan umadda Somaliyed,gaar ahaan reer Puntland.

Hadaba si ay taasi u dhacdo maxaa muhiim u ah in ay ka soo baxaan shirkaas.

1.In Puntlad ay joojiso dhammaan wixii xiriir iyo wada shaqayn ah illaa laga helayo shuruudahan…

B) In la isla meel dhigo qaabka ay noqonayso doorashada soo socota

T) In ay DF ay joojiso xiisadaha dagaal ee ay waddanka ka hurinayso

  1. In lagu dhawaaqo shirweyne qaran oo lagu badbaadinayo masiirka Soomaaliya.
  2. Puntland waa astaanta u taagan mar walba midnimada Soomaaliya
  3. In lala xisaabtamo Xildhibaanada iyo Wasiirada reer Puntland ee ku jira labada Aqal iyo Golaha Wasiirada.
  4. In Xildhibaanada reer Puntland ee Fadaraalka aysan marna raalli ka noqon haddii lagu fakaro mudada oo la kororsado.

Shirka,ayaa qabanqaabadiisu waxay maraysaa meel wanaagsan,waxaana ka qaybgali doona ergo gaaraysa 659-xubnood,waxuuna socon doona sida la qorsheeyay mudo 3-cisho ah.

Aadbaa loogu han weyn yahay shirka Aayo ka talinta Puntland

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading