Maxaa laga fili karaa fadhiga Afraad Ee Baarlamaanka Fadaraalka?

Kalfdhiga Afraad ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa Maanta si rasmi ah ufurmay.

Waxaa la filayaa in uu ka duwanaado Sadexdii Kalfadhi ee ka horreeyay midkan 4-Aad ee saakay furmay.

Doodo siyaasadeed oo aad u adag iyo Mooshino iska soo horjeeda oo xildhibaanada qaar ku doonayaan in lagula xisaabtamo hoggaanka Xukuumadda,ayaa la sadaalinayaan in ay hareeyaan.

MW Xasan Shiikh,ayaa xoojinaya in la meel mariyo Warmurtiyeedkii Madasha ay PL ka maqan tahay,kaasoo dhigayay in Wadanku yeesho MW iyo ku xigeen lagana guuro nidaamka Ra’isalwasaaraha,isla markaana Xisbiyada Siyaasada lagu soo koobo Labo.

Dhanka Xildhibaano diidan qorshaha MW Xasan,ayaa wada Mooshin ay kula Xisaabtamayaan Xukuumada.

Dowlada Puntland ee Xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa si adag uga hor timid qorshaha Wadanka looga rarayo Nidaamka Baarlamaaniga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading