Maxaa laga xasuustaa Tacadiyadii uu geystay Al-itixaad?

Urarka Al-itixaad waxaa lagu xasuusta in aw geeystay tacadiyo badan oo kadhacay dalka Soomaaliya iyo meel kabaxsan dalka.

Fashil iyo jab ku yimid ururka Al-itixaad waxaa ururku go’aansaday in ay qataan magac cusub oo ah Al-ictisaam si ay u qaldaan shacabka soomaliyeed mar kale.

waa nasiib daro aad uwayayn in qof soo hogamiyay Hay’addaha amniga midda ugu muhiimsan in aw ku faano inuu xibin ka ahaay walina kayahay ururkaas.

Hugaamiyaal katirsan ururka Al-ictisaam ayaa dalka gudihiisa xabsiyada ugu xiran hoowlo la xariira argagixisnimo’ haddaba Waa su’aale maxaa loo heystaa oo loo xiray haddii xubno weli ku faanaya ururka Al-ictisaam ay hugaaminayen amniga dalka.

Dhallinyarada duurka gashay ee Shabaab waxa qalday oo duurka galiyay rag Culumo isku yaqaan oo ku qanciyay in ay ku jihaadaan dadka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo an raacin dacwadooda.

Hadalka Agasimihii hore ee NISA markaan dhageestay waxaa kamooqda Qodobada soo socda:

  1. Isku-day af-gambi lagu sameenayo hey’addaha amniga ee dalka.
  2. Beer-dulucsi ku socda hugaanka iyo dhallinyarada ururka Al-ictisaam oo dulucdiisu tahay weli siyaasaddu ima badalin ee lasocda sidaas.
  3. Iska bariyeelka eedaha iyo dhacdooyinkii gil-gilay dalka.
  4. Sahminta, barashada taageerada daacada u ah iyo midkii kula joogyay dan u gaar ah.

FG: Qormadaan kuma wajahna dhallinyarada lagu qalday jihaadka ee gar-waaqsaday in ay qadeen marin qaldan deedna u laabtay dadkooda badbaadiyay xurmada shacabka Soomaaliyeed u ogalaaday wada noolaashaha ku salaysan nabad iyo ixtiraam.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading