Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiirada Jubbaland ?

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia Seychelles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading