Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland

Garoowe: 02 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay.

1.Amniga.

2.Xaaladda Xabsiyada Puntland.

3.Xaaladda cudurada faafa sida shuban-biyoodka,

4.Dhagaysiga ka warbixinta heerka diyaar garow ee Guddiga ka diyaar-garowga Saamaynta Roobabka.

5.Todobaadka dhireynta Puntland.

Dood iyo falaaqayn ka dib ayada oo laga duulayo siyaasadda Dawladda waxa goluhu isku raacay dar dargalinta qodobada shaqo ee ka dhashay qodobada maanta goluhu ka dooday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading