Maxaa looga hadlayaa kulanka Aqalka Sare ?

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah inay yeeshaan Kulankoodii caadiga ahaa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wargaliyay dhammaan in ay soo xaadiraan xarunta Golaha si ay uga qeyb galaan Kulanka xildhibaanada Aqalka Sare.

Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare horyaalla oo ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sharciga xaqsiinta Ciidamada iyo hindise Sharciyeedka Batroolka sidda uu sheegay Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading