Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading