Maxaa looga hadlayaa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee maanta furmaya ?

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS, iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana maanta la filayaa inay gaaraan Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading