Maxaa looga soo celinayaa dhalinyarada Somalida ah Canada?

Dowladda Canada,ayaa la sheegayaa in ay qorsheyneyso inay musaafuriso dhallinyaro Somali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Saraakiisha dowladda Canada,ayaa ku doodaya in dhallinyaradaasi ay yihiin Kenyan, maadaama ay ku galeen dalkaasi baasaboor Kenyan ah.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay inay gaarayaan 157-Qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Dhalinyaradaas,ayaa ku doodaya in ay yihiin Somali lagu soo dhibaateeyay Dalalkoodii oo Canada kusoo galay Basaboorka Kenya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading