Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland.



Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.