Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Garoowe: 28 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha Horumarinta Puntland iyo Hannaanka Mashaariicda iyo xeerar cusub oo golaha la horkeenay.

Golaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib ansixiyey Hidise xeereedka Hay’adda Maareynta Macluumaadka Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qordheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay Xeer Hoosaadka Golaha fulinta iyo Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, si ay usoo akhristaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay uga doodaan anisixintooda kulamada danbe ee Golaha.

DHAMMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading