Maxaa loogu diiday Odoyaasha Dhaqanka in ay galaan gudaha Golaha Baarlamaanka PL?

Xarunta Golaha Wakiilada Puntland,ayaa loo diiday in ay ka khudbeeyaan Odoyaasha Dhaqanka ee Garowe ku shirsan.

Odoyaasha,ayaa horay udalbaday in ay la kulmaan Xildhibaanada,balse,waxaa loo sheegay markay saakay yimaadeen Golaha Banaankiisa in aysan Sharciyan ka khudbayn karin Golaha.

Kadib,waxaa laysku afgartay in Gudi ka socda Baarlamaanka loo diro Odoyaasha.

Marka laga reebo Xurmadle Boqor Burhaan inta kale waa Odoyaal Dhaqameed aan lahayn Saxiixa soo xulida Xildhibaanada.

Xildhibinaada Baarlamaanka,ayaa isku raacay in Sharciyan aysan sax ahayn Oday Dhaqmeed in uu soo dhexgalo hay’adaha Dastuuriga ah.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading