Maxaa naga maqan?
WQ: Biciid
sidee se ku helnaa waxa naga maqan?
marna ma is weyddiisay weyddiintaan iyo kuwo la mid ah? Bal ila eeg hidda afeedka ay nooga tageen awooweyaasheen balse aan ka gadmannay?
Cirro Ciso mudan
Gobi guddoon mudan
Culimo duco mudan
Gari Xeerbeegti mudan
Guurna Hidde Mudan
Waa shan qaacido oo aan laga tallaabi karin, markii laga tallaabayna waxa ay noqotay in loo dhiibay mid walba cid aan wadaygeeda ahayn.
Shiqi markii uu duceeye nin walba na wadaad noqday waxaa ka dambaysay maanta waa u jeednaa. Cisadii cirradii baa kala maagay, oo cirradii la cisayn jiray baa maanta hor boodaysa intii keeni jirtay ixtiraam darro idilkeed. Gob, guddoon mudan waa midda aan maanta u dhutaynayo oo ah – In aan la maqlin dadka horboodka u ah bulshada sida; nabaddoonka, malaaqa, wabarka, garaadka, suldaanka, duubka, madaxweynaha iyo hoggaanka ka sii hooseeya.
Gari xeerbeegti mudan, oo cidda garta geli karta waa garyaqaannada garti ku gowso beelay, godkii ay ku dhacdana ka soo natoocin kara. Maanta garta waxaa gala nin aan garta ehelkeeda iyo abkeeda toonna ahayn. Ilaahow Gar eexo hanooga tegin inta ay ku ducaystaan bay aqoontooda, caddaaladdooda iyo waayo-aragnimadooda jilbaha ugu laabi jireen. Garta marka ay geliyaan haddii laga waayo shuruudo dhawr ah oo ku xiranna gartaas waa la baajin jiray, waxaa na la oran jiray – Gartii la geli lahaa hebel baa garbaajiyey oo “shaygaas” waayey.
Jiilashii Soomaalida soo maray, waxa ay soo joogeen dhawr hidde oo kala gaar ah, nin walba uu mid u soo joogay. Nin baa u soo joogay iyada oo la malkado gabadha qoyskeedu awoodda maammul, madaxnimo, majiirasha ba mudan yahay. Waxaa xigtay iyada oo loo gogol fariisto gabadha ay waalidkeed hantida leeyihiin. Maanta na waxa aan joognaa iyada oo la gaclado inanta quruxda lagu jalbeebiyo. Waa se haddii quruxda la isku raacsan yahay.
“Giir lo’aad iyo gidir mocooyo midna ma guuro”, “Gabar iyo gammaan ba waa la hiddo raacaa”, waxa ay ahaayeen astaamo lagu xusho inanta hiddaha san. Nebigu (Eebbe ha ammaansadee) na si dadban buu noogu wargeiliyey in dhanka hooyada wax badan laga hiddaysto isaga oo dhasha noo tusiyey tuse ku habban.
Soomaalida, waxaa dhexdeeda ku yaraa furriinka, waxaa na sabab u ahaa hiddo raaca gabadha oo lagu xulan jiray astaamo ka geddisan kuwa maanta lagu idaasho. Waxaa ka mid ahaa – gabadha qoyskeeda awoodda maammul leeyahay, waxaa ka mid ahaa gabadha hiddeheeda, dhaqankeeda iyo nolosheeda si habban u taqaanna, waxaa na la oran jiray heblaayo waa qof “Dhaqa”, waxaa kale oo ka mid ahaa xirrib sarraynta gashaantida.
Maanta, waxa aan giddigeen marag u nahay guurkii oo yaraaday, furriinkii oo batay, isqabsiga qoyska oo tiro beel ah iyo waxyaabo kale oo aan afka la soo marin karin. Dhaqankii Soomaalidu isma doorine, keliya waxaa is beddelay hannaan xulashada labada dhinac. Haddii maanta gabadha/wiilka lagu xusho qurux aan cabbir lahayn, waxa aad arkasaa iyada oo gabadhii labo da’ood marka ay dhasho quruxdeedii guurtay, wiilkii maalintii da’ u siyaadda ba si kale sii noqnaya. Hadda ba si taas loo xalliyo waxaa muhiim ah in aan daraasayno hilimmadii ay mareen awooweyaasheen si ay uga badbaadaan waxyaabaha aan maanta la daalaa dhacayno.
Aqoonso waxa kaa maqan si aad u ogaatid waxa aad rabtid.
BiciidMagazine
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.