Maxaa sababay Ardayda DDSI in ay ku gudbi waayaan Imtixaanka Dugsiga Sare?

aqoonta ardayga la keeno imtixaan uusan ka bixi karin.

“Qaabka imtixaanka qaran loo soo diyaariyo laguma sameeyo qiimeyn ah ardayda heerka ay gaarsiisan tahay tayadooda, marka imtixaan yara-adag oo ardayda tayadooda aan ku saleysneyn ayaa la keenaa inta badan taasi nafteeda dhibaato kale ayay noqonaysaa” ayuu yiri mr Maxamed.

“Dhanka waalidka iyo maclimiinta sidoo kale dhib ayaa ka jira, waalidka oo sidii loo baahnaa aan u dabagalayn ardayda iyo maclimiinta oo sidii loo baahnaa aan casharrada u bixin,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu farta ku fiiqay in xilligii hore uu jiray qish baahsan balse hadda ay adag tahay in uu baaso qof aan dhisneyn aqoon ahaan oo loo baahan yahay dadaal.

“Caqabadda koobaad waxaa weeyaan qishkii hore oo lala qabsaday, muddo 20 sano ah ayaa qish soo socday marka labo sano iyo saddex sano ma tayo ayaa lagu keeni karaa” ayuu yiri Mr Maxamed.

Ma aha markii ugu horeeysay ee ardayda dugsiyada sare ee dolwad deegaanka ay sidan oo kale ay tiro badan ugu dhacaan imtixaanka.

Guud ahaan ardeyda u fariisatay imtixaanka sanadki 2023-kii ayey wasaaraddu sheegtay in ay ahaayeen 21,787 ardey. Balse waxaa xilligaas baasay 74 arday oo kali ah.

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading