Maxaa sababay dhimashada Askari PSF ka tirsanaan jirtay?

Hal askari,ayaa ku dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay Is rasaasayn maantay dhex martay Ciidamo kawada tirsan PSF.

Dhacdada,ayaa sababtay markii Ciidamo PSF ah oo dhexmarayay Magaalada ay ka hor yimaadeen Sadex Askari oo uu ku jiro Askari horay uga mid ahaa PSF,balse xiligii khalkhalgelinta raacay Saraakiishii baxsan jirtay.

Askarigaas,ayaa Xabad bilaabay markii uu uqaatay in isaga la raadinayo,waxayna sababtay taasi in isagii ku naf waayo mid kalena ku dhaawacmo Xabadii uu bilaabay.

Xaalada,ayaa caadi ah Magaalada Bosaso dhacdadaasna waxba uma dhimin amaanka iyo nolosha caadiga ah.

Beri ayay ubadan tahay in uu soo baxo Qodobada xalinta khilaafka PSF.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading