Maxaa sababay dib-u-dhaca furitaanka Shirkii Muqdisho ?

Dib-u-dhac ayaa ku yimid Shiir maanta oo khamiis ah la filayay inuu Muqdisho uga furmo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku wada sugan Muqdisho.

Shirka oo qorshihiisa uu ahaa inuu saaka ka furmo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa u baaqday sababo la xariira Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen Shirka kahor.

Kulamo u dhexeeyay dhinacyada Puntland iyo Jubbaland oo isku garab ah iyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa fashilmay, Beesha Caalamka ayaana ku amartay Madaxweyne Farmaajo qodibadii lagu heshiiyay dhowaan inta uusan Shirku furmin.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Shirku furmo sabtida soo socota, iyadoo kahor looga fadhiyo fulinta Heshiiskii ay wada gaareen dhinacyadu.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading