Maxaa sababay dib udhaca Shirkii Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Shirka Wadatashiga Qaranka dib,ayuu udhacay Hal Maalin,iyadoo la filayay in uu Galabta Casar liiqii si rasmi ah ufurmo.

Dib dhaca,waxaa sababay khilaaf ka taagan kasoo qaybgalka Shirka ee Madaxweyne Laftagareen oo Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka ah diidan yihiin kuna saarayaan Madaxweyne Xasan in uusan aqbalin.

Madaxweyne Laftagareen,ayaa udiyaarsan in uu ka qaybgalo Shirka,waxuuna taageero ka helayaa Puntland.

Mucaaradka Laftagareen,ayaa u arka ka qaybgalka Shirka Wadatashiga Qaran ee Xamar in ay utahay aqoonsi buuxa mudo kororsiga Madaxweynanimo ee Laftagareen.

Beri,ayaa la saadaalinayaa in uu Shirku furmo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading