Laahoor,waa Xanuunsanaa wakhtiyadii ugu danbeeyay,waxa ugu daran ee hayay,waxa uu ahaa Xanuunka Dhiig karka,sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.
Xalay,ayaa la geeyay Labo Isbitaal oo ku yaal Bosaso,kuwaasoo mid yahay Kaafi,waxaana loogu sameeyay baaris Caafimaad,mana jirin wax Xanuun ah oo laga helay marka laga soo tago Dhiig karka.
Ka hor intaan la gayn Isbitaladaas,waxaa kaloo lagu soo baaray Isbitaalka Ciidamada Badda.
“Geeridiisa,waxa sababay,waa Xanuun caadiya,wayna soo bandhigaysaa Dowladu dhawaan jawaabihii laga helay baaristiisii Caafimaad ee lagu sameeyay Xalay intuusan dhiman ka hor iyo kadib”Ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolka Bari.
Laahoor,waxay Maxkamada Ciidamada PL ku xukuntay Dil ku Toogasho ah kadib markii la qabtay Koox ay wada Shaqaynayeen oo ka tirsan Daacish,kuwaasoo Dilal iyo Qaraxyo ka fulin jiray Bosaso.
Shabakada la qabtay,ayaa sheegtay in Laahoor Madax u ahaa una diri jiray Shaqada,waxaana la xukumay,isagoo maqan oo baxsad ah.
Ugu danbayn,waxa uu isku soo dhiibay Laahoor Maamulka Puntland,iyadoo bartanka looga jiro hawlgalka sifaynta argagixisada .
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.