Maxaa sababay hoos udhaca xiriirka PL Ee caalamka?

Waa dhab in uu hoos udhacay xiriirka Puntland iyo Caalamka kale mudadii uu talada hayay Madaxweyne Deni.

Markaan isku ururshay sababaha keenay hoos udhaca,waxay noqdeen Sadex arimood oo kala ah…

1.Madaxweynaha oo aan lahayn La-taliyayaal khibrad leh.

2.Madaxweynaha oo xiriirka Waddamada Somaliya ka taageera Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda (Traditional Donors) ku beddeshay xiriir Waddamada Carabta ah oo ku saleysan heshiis Shaqsiyadeed (Personal).

3. ⁠Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka PL oo aan muddo helin Wasiir khibrad balaaran leh.

Xalku muxuu yahay?

1.In la hawlgeliyo Dadka khibrada iyo xiriirka leh.

2.In MW kala saaro dantiisa shaqsiga ah iyo danta guud oo isku miisaamo xiriirka Carabta iyo R.Galbeedka.

3.In ugu yaraan W.Dowlaha qorshaynta laga dhigo Qof leh khibrad iyo xiriir caalam oo udhigmi kara Wasiir Arimo dibadeed loona gaar yeelo xiriirka dibada.

PL kama maaranto xiriirka Wadamada soo jireenka ah ee Somaliya ka taageera amniga iyo Siyaasada.

Naguma filna xiriirka Imaaraadka oo kaliya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading