Maxaa sababay in Degmada Waaciye yeelato Laba Duq Magaalo?

Degmada Waaciye,waxii ka dhacay,waxay tusaale uyihiin fawdaynta Dimuqraadiyada ee la wado.

Laba Gole Deegaan,ayaa loo dhaariyay Waaciye.

Mid,waxaa lagu doortay Gudoomiye Xisbiga KAAH ka socda oo ay doorteen Xubnihii Xisbiga KAAH ku matalayay Golaha Deegaanka.

Halka Gudoomiye Xisbiga Sincad ka socdana ay doorteen Xubno kale.

Sidaanoo kale,waxay ka taagan tahay Bosaso,Burtinle,Jariiban iyo Bursaalax.

Waxa dhibka keenaya,waa Dimuqraadiyadii oo laga guurayo oo ay heshiis toos uwada galayaan Xisbiyada,iyadoo la laalay Cod in lagu kala adkaado.

Sidoo kale Wasaaradii Arimaha Gudaha oo shaqadan lahayd,ayaa awoodii laga qaaday,waxayna noqotay magac uyaal laysku Sawiro.

Dimuqraadiyada,waxaa khatar ku ah damaca Deni ee xuduud dhaafka ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading