Maxaa sababay in uusan furmin Shirkii Madaxda B&K iyo DFS Ee sharciyada lumisay?.

Maanta dib uma furmin Shirkii Madaxda B&K iyo DFS ee sharciyada lumisay.

Dib udhaca Maanta,waxaa keenay Xafladaha 25-ka SYL iyo Laba Sano Guurada doorashadii Xasan Shiikh.

Sida la filayo Maalinka Beri ah in uu halkiisa kasii socdo Shirku,ayaa la rajaynayaa hadaan wax isbadalin.

Arimaha horyaala Shirka?

1.DG oo ku dhagan in loo fasaxo Doorashooyinkooda oo ay qabsadaan ama mudo xileed la siman kan DFS ee sharciyada lumisay la siiyo.

2.DG oo ku dhagan Laba Gudi Doorasho in ay jiraan oo kala heer ah kalana Shaqo ah.

3.DFS ee Sharciyada lumisay oo ku dhagan mudo xileed gaarsiisan ugu badnaan Laba Sano in ay qaataan DG.

4.DFS ee sharciyada lumisay oo ku dhagan in ay aqbalaan DG hal Gudi Doorasho oo labada heerba ka hawlgala.

Sida xogaha Shirka ku wareegsan tilmaamayaan uma badna in uu guulaysto,waxaana la filayaa in lagu soo kala tagi doono oo ay kasoo bixi doonaan oo kaliya Qodobo uu ugu weyn yahay..”Dagaalka argagixisada waa in lasii wadaa oo layska kaashadaa”.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading