Maxaa Shaqada looga eryay Xoghayihii arrimaha gudaha Ee Britain?.

Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay.

Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay Booliiska London in ay ay dhinac la safteen marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbaxa ka dhigay London.

Wasiiraddaan,ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xilli ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan Marinka Qasa.

Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbixii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

Dhowr jeer oo hore ayay Wasiiraddan waxay ku baaqday in la xakameeyo Dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading